Talaado 27 Oct 2026 {HMC} Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa caawa ku shiray guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shirka Golaha Mustaqbalka oo dhawaan soo dhammaaday ayaa lagaga doodayay sida ay uga jawaabi lahaayeen martiqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku casuumay shirka wada-hadalka doorashada.
Xubnaha ayaa dhagaystay warbixinno iyo soojeedinno kala duwan oo ku saabsan faa’iidada siyaasadeed ee ugu jirta haddii ay aqbalaan casuumaadda Madaxweynaha ama ay diidaan.
Xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegay inay u debecsan yihiin baaqa martiqaadka ee Madaxweynaha.
Goluhu weli si rasmi ah isuguma raacin jawaabtooda , waxaana ay si horudhac ah isugu raaceen in jawaab midaysan oo wadajir ah la bixiyo, isla markaana aan lakala aragti duwaanaan.

