Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyay Shir Madaxeedka COMESA.

Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 25aad ee Ururka Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), oo ka dhacay magaalada Harare ee dalka Zimbabwe.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa khudbaddiisa ku sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka gobolka, kobcinta ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dardar gelinta isku-xirnaanta dhaqaalaha Afrika.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka-qaybgalka dadaallada lagu horumarinayo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo abuurista fursado ganacsi iyo maalgashi oo wax ku-ool ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ilhan Omar oo, Sheegtay in loo Hanjabay.

Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Markii ugu horeysay tan iyo markii ay qaybta baaritaanka ee Waaxda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security) ay gudaha...