Soomaaliya iyo Algeria oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka.

Arbaco 18 Nov 2026 {HMC}Β  Intii uu socday Madasha Siyaasadaha Afrika ee Xirfadaha (African Skills Policy Forum), Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa kulan la yeeshay Marwo Nassima Arhab, Wasiirka Tababarka iyo Waxbarashada Farsamada Gacanta ee Jamhuuriyadda Algeria.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xirfadaha farsamada gacanta, tayeynta tababarrada xirfadeed, is-weydaarsiga khibradaha iyo kobcinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda horumarinta xirfadaha iyo tayada shaqaalaha, si tababarrada xirfadeed ay ula jaanqaadaan baahiyaha suuqa shaqada, loona abuuro fursado shaqo oo waara.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta xirfadaha farsamada gacanta iyo ballaarinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu dambeyay 18-11-2026.

Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO...