Sheekh Aadan Madoobe oo Dib ugu Soo Laabtay Baydhabo Kadib Safar Shaqo.

Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kaddib safar shaqo oo maalmo qaatay oo uu ku kala tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Muqdisho iyo Baraawe oo ah Caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed.

Safarka Hoggaamiyaha ayaa la xiriiray kulamo iyo hawlo shaqo oo uu la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha dowlad-dhiska, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha dowliga ah, nabadda, amniga iyo horumarinta guud ee deeganada Koonfur Galbeed.

Wafdiga uu Hoggaamiyaha Hoggaaminayay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud si diirran ugu soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaano, Maamulka Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhabo, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.

Hogaamiye Sheekh Aadan ayaa soo dhoweynta ka dib waxa uu la hadlay ka qeybgaliyaasha soo dhoweyntiisa isagoo sheegay in safarka shaqo uu ku maqnaa uu ahaa mid shaqo islamarkaana adeega dowladnimada iyo xaqiijinta amniga deeganada Koonfur Galbeed mudnaan lagu siinayey.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waaweeyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-11-2026.

Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO...