Isniin 16 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Charles King iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasada iyo horumarinta, arrimaha Puntland waxaa si gaar ah looga hadlay Hawlgalada Argagixisada looga Ciribtirayo deegannada Puntland.

