Axad 15 Nov 2026 {HMC} Diyaaradaha dagaalka Suudaan ayaa burburiyay kolonyo gaadiid ciidan ah oo ka koobnayd illaa 50 gaari dagaal, kuwaas oo ay lahaayeen maleeshiyaadka RSF.
Duqeymaha cirka ayaa lala beegsaday deegaannada Al-Sacaatat iyo Abuu Zabad, iyo waddada isku xirta Al-Nuhud iyo Al-Aadiyah sida ay ku warantay warbaahinta Suudaan
Dhinaca kale Shacabka magaalada Al-Khuway, ee Galbeedka Kordofan, ayaa soo dhaweeyay ciidanka Suudaan oo magaalada ka saaray kooxda RSF english.


