Sabti 14 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la wareegay xaqiijinta amniga Magaalada Baraawe Caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, ilaalinta nafta, sharafta iyo maalka shacabka iyo dhowrista hantida guud iyo tan gaarka ah, isaga oo ku adkeeyey inay muujiyaan masuuliyad, feejignaan iyo anshax ciidan.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka loola dhaqmo si wanaagsan, lana xoojiyo wada-shaqeynta ka dhexeysa ciidamada amniga iyo bulshada, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo xasillooni guud oo ka hirgasha Magaalada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada.
Hoggaamiyaha ayaa ciidamada ku boorriyey inay ilaaliyaan kalsoonida shacabka, kana shaqeeyaan sidii Magaalada Baraawe ay u ahaan lahayd meel amni ah oo ay bulshada ku noolaato, kuna qabsato hawlaheeda nololeed iyo dhaqaale si nabad ah.
Booqashada Hogaamiyaha waxaa ku wehlinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada XFS, Taliye ku Xigeenka Ciidanka Xooga Dalka, wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.



