Sabti 14 Nov 2026 {HMC} Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo kaashanaya dowladda Turkiga, ayaa maanta tababar u furay cutub cusub oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Cutubkan ayaa la sheegay in loo diyaarinayo inuu ka howlgalo gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Warsheekh, si uu uga qeyb qaato sugidda amniga goobo xasaasi ah oo halkaas ku yaalla.


