Arbaco 11 Nov 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa lagu soo warramayaa in uu xabsiga dhexdiisa ku bilaabay akhriska iyo daalacashada Kutubka kala duwan ee Diinaha Samaawiga ah gaar ahaanna Quraanka iyo Bible isaga oo sidoo kale baranaya Kutubta Falsafadda.
Maduro oo 10 bilood ku xidhan gudaha Maraykanka ayaa bilaabay nolol uu ugu dhowaaanaya dhinaca Diinta isaga oo sugaya xukunka maxkamadda Maraykanka.
Warbaahinta The New York Times ayaa shaaca ka qaaday in Maduro uu noqday shakhsi mar walba ku hawlan akhrinta Quraanka iyo Bible isaga oo doonaya in uu muddada uu xidhan yahay uu u dhawaado dhinaca Diinta.
Dhawaan waxa geeriyooday xaakinkii bisha January ee sannadka dambe xukumi lahaa Maduro waxana la filayaa in xadhigiisa ay war ka soo saaraan labada Gole ee Maraykanka oo haatan ay la wareegeen xisbiga Dimuqraadiga.

