Sabti 7 Nov 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo milatari oo qorsheysan ka fuliyey tuulooyin hoos yimaada deegaanka Leego, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Howlgallada ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu gaarsiiyey Khawaarijta jab xooggan, iyadoo sida wararka laga helayo howlgalka ay sheegayaan in ciidamadu dileen in ka badan 60 dhaqarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.
Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gubay gaadiid ay adeegsanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu wiiqayo awooddooda dagaal iyo dhaqdhaqaaqyadooda.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu jiraan ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab, xaqiijinta amniga iyo xasilloonida deegaannada, iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed.
Dowladda ayaa sii wadi doonta taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo bulshada loogu baaqayo inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, kana qeyb qaataan dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab. S

