Madaxweyne Xasan Sheekh oo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay Wada-hadal iyo Midnimo Qaran.

Jimco 6 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kaga qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusay mas’uuliyiinta iyo marti-sharaftii ka soo qayb gashay xafladda caleemo-saarka Hoggaanka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka codsaday in ay tabashooyinkooda iyo aragtiyahooda ku soo bandhigaan fagaaraha wada-hadalka, kana soo qayb galaan gogosha wada-tashiga ah ee uu fidiyey, si loo helo midnimo is-afgarad qaran.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Nithya Raman oo Ka Adkaatay Duqa Los Angeles, Karen Bass.

Jimco 6 Nov 2026 {HMC} Nithya Raman oo ah garabka xisbiga Dimuqraadiga ee Socialist-ga ayaa ka adkaatay duqa magaalada Los Angeles Karen Bass oo...