Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Gobolka Mississippi oo ah gobol Jamhuurigu ku xooggan yihiin oo ilaa xalay ay haweeneyda kursiga senate-ka gobolkaasi Cindy Hayde-Smith hoggaanka haysay, markii u danbeysay afartan cod oo kaliya ay ka horreysay Dimuqraadiga Scott Colom, hadda Dimuqraadiga ayaa hoggaanka qabtay oo wax yar ka hormaray.
Iyadoo la tiriyay 95% codadkii la dhiibtay, inta dhimanna loo badinayo kuwii Dimuqraadigu kusoo dirsadeen dhanka Boostada, rajada Colom ayaan xumeyn.
Haddii uu guuleysto, waxa ay noqoneysaa guushii ugu layaabka badneyd ee doorashada oo gobol ka mid ah kuwa ugu cas ama ugu jamhuurisan ay Jamhuuriyiintu waayaan.
Scott Colom ayaa mar walba intii uu ololaha ku jiray muujin jiray kalsooni ah inuu noqonayo senatarka gobolka matali doona

