Guddoomiye Jaamac oo Booqday Dekedaha iyo Xarumaha Ganacsiga Jabuuti.

Talaado 3 Nov 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar rasmi ah ku jooga wadanka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta booqasho ku tagay dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee Jabuuti, oo ay ka mid yihiin Aagga Ganacsiga Xorta ah ee PK23 (PK23 Free Zone), Dekedda Konteenarrada ee Doraleh (SGTD) iyo Dekedda Adeegyada Kala Duwan ee Doraleh (DMP).

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa booqashada uu ku tagey dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee Jabuuti, oo ay ka mid yihiin Aagga Ganacsiga Xorta ah ee PK23 (PK23 Free Zone), Dekedda Konteenarrada ee Doraleh (SGTD) iyo Dekedda Adeegyada Kala Duwan ee Doraleh (DMP) ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinaca ganacsiga, is-dhaafsiga khibradaha ku saabsan hababka casriga ah ee maamulka dekedaha, maareynta xamuulka, horumarinta adeegyada saadka iyo fududeynta ganacsiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa bogaadiyey Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti horumarka muuqda ee ay ka sameysay maamulka iyo casriyeynta dekedaha, tayeynta adeegyada saadka, horumarinta kaabeyaasha ganacsiga iyo fududeynta maalgashiga.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka Suudaan oo Burburiyay 50 Gaari oo RSF ah, Shacabka Al-Khuway oo u Dabaaldegay Xoraynta Magaalada

Axad 15 Nov 2026 {HMC} Diyaaradaha dagaalka Suudaan ayaa burburiyay kolonyo gaadiid ciidan ah oo ka koobnayd illaa 50 gaari dagaal, kuwaas oo ay...