{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Koofur galbeed oo Howlgal Khasaare Gaarsiiyay Kooxda AS ka Fuliyay Deegaanka Koy’iaan.

Jimco 20 Nov 2026 {HMC} Wasaaradda Amniga KGS oo Qoraal ka Soo Saartay Howlgal Ciidamada Daraawiishtu ka Fuliyeen Deegaanka Koy’iaan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Qoryooley ayaa howlgal qorshaysan oo loo adeegsaday hoobiyaal ka fuliyey Deegaanka Koy’iaan oo hoostaga Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi, waxaana la sheegay in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsanaa maleeshiyaadkaas.

Ciidamada Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed ayaa wada dadaallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannada hoostaga Degmada Qoryooley, laguna ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida bulshada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay dhacdadii 19-kii Nofeembar, ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif

Jimco 20 Nov 2026 {HMC}  Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddaynaysa in, iyadoo la socota dhacdadii 19-kii Nofeembar, abaare 1:00 duhurnimo,...