Weerar Xuuthiyiinta Yemen ku Qaadeen Riyadh oo Burbur Gaarsiiyey Dhisme Dabaqyo Badan leh.

Jimco 20 Nov 2026 {HMC} Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in weerar ay soo qaadeen maleeshiyada Xuuthiyiinta ee ay taageerto Iiraan ee Yemen uu sababay burbur hantiyeed oo soo gaaray Dhismaha Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha (PIF) ee Boqor Abdullah (KAFD) ee Riyadh, kaasoo ah weerarkii labaad ee lagu qaado dabaq weyn oo ku yaal xarunta ganacsiga ugu weyn ee caasimadda wax ka yar laba toddobaad.

Afhayeen u hadlay Difaaca Madaniga ayaa sheegay in weerarkii ka horeeyay waaberiga uu burburiyay dhowr dabaq oo ka mid ah dhismaha 80-ka dabaq ah – kaasoo dhererkiisu yahay 385 mitir oo ah dhismaha ugu dheer Riyadh isla markaana hoy u ah xarunta sanduuqa hantida boqortooyada, iyo sidoo kale dhismayaasha u dhow.

Mas’uuliyiintu waxay isla markiiba ka jawaabeen sugidda aagga iyo ilaalinta dadka deegaanka iyo hantida, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare degdeg ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Xuutiyiinta Yemen oo Ku Hanjabay Weerarro Lagu Qaado Dekedda Jeddah ee Sacuudiga.

Jimco 20 Nov 2026 {HMC}  Xuuyiyiinta Yemen ayaa wacad ku maray in ay beegsanayaan dekedda Jidda ee Boqortooyada Sucuudi Careebiya, ka dib markii Isbaahaysiga...