Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa caawa hoygiisa magaalada Dhuusamareeb ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka soo jireenka ah ee Galmudug.
Hoggaamiyaha ayaa Ugaaska ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo la xiriira baahiyaha bulshada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah, isaga oo maamulka cusub iyo guud ahaan bulshada reer Galmudugba u rajeeyey nabad, midnimo iyo horumar waara.

