Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Daahfuray Imtixaanka Garsoorayaasha Koonfur Galbeed.

Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan iyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa daahfuray imtixaanka garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabadda oo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Nofeembar 2026 lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaalada Koonfur Galbeed.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa muujinaya taageerada iyo muhiimadda la siinayo horumarinta nidaamka garsoorka, tayeynta aqoonta iyo kartida garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha, iyo dhismaha hannaan caddaaladeed oo hufan oo ku dhisan cadaalad iyo isla-xisaabtan.

Caddaaladdu waa tiirka dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaaaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo furitaanka imtixaanka ka hadlay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweynaha Galmudug oo Booqday Ugaas Xasan Ugaas Maxamed.

Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa caawa hoygiisa magaalada Dhuusamareeb ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Maxamed...