Isniin 16 Nov 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Go’aanka Mareykanka ee Dib loogu Cusbooneysiiyey Taageerada UNSOS iyo AUSSOM Hal Sano Kale.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhoweyneysaa go’aanka Mareykanka ee ku aaddan dib-u-cusbooneysiinta maalgelinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) muddo hal sano oo kale ah.
Go’aankani wuxuu xaqiijinayaa xiriirka iskaashi ee waara ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kaas oo ku qotoma dagaalka wadajirka ah ee lagula jiro argagixisanimada.


