Sabti 14 Nov 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya oo ay hoggaaminaysay Sripriya Ranganathan.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal, gaar ahaan amniga badda, la dagaallanka argagixisada iyo tayeynta awoodda hay’adaha amniga. Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee gobolka.
Hindiya oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka Ka dhanka ah Kooxda AS iyo arrimaha la xiriira Difaaca dalka.
Wasiir Fiqi ayaa maanta la kulmay wafdi sare oo ay hoggaamineyso Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya.


