Xukunka Askari Dilay nin Qabay Xaaskii ay kala tageen.

Sabti 14 Nov 2026 {HMC} Dable Nisa Tahliil Guure Culusow Caraale oo loo yaqaano “Lagatay” kana tirsan Ciidanka Duufaan, ayaa lagu Eedeeyey Dilka Marxuumka Maxamed Maxamuud Axmed, kaas oo qabay Xaas ay kala tageen Eedeysane Tahliil Todobo sano ka hor, una dhashay Shan caruur ah.

Baaris Dheer kadib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Labo iyo tobankii Bishaan November.

Dhageysi kadib, Wadatashi Dheer oo ay yeesheen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaana ugu dambeyn maanta ku xukumay Dable Nisa Tahliil Guure Culusow Caraale “Lagatay” Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle oo Beledweyne Kula Kulmay Wafdi ka Socda Dowladda Federaalka.

Sabti 14 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Cabdifataax Xasan Afrax ayaa kulan kula qaatay hooyga uu ka deggan yahay magaalada Beledweyne wafdi...