Arbaco 11 Nov 2026 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in FBI-du baarayso xiriir jacayl oo dhexmaray madaxa shirkadda tiknoolajiyadda Nvidia, Jensen Huang, iyo haweeney Shiinees ah oo lagu tuhunsan yahay inay xog u gudbinaysay dowladda Shiinaha.
Trump ayaa sheegay inuu Isniintii la hadlay Huang, isla markaana weydiiyay inuu ogaa in haweeneydaasi basaas ahayd. Huang ayaa u sheegay inuusan waxba ka ogeyn, halka Trump uu sheegay inuu rumeysan yahay hadalkiisa.
Warbixin uu daabacay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in sirdoonka Mareykanku uu aaminsan yahay in haweeneyda lagu magacaabo Alice Huang ay xog u ururinaysay Beijing.
Jensen Huang ayaa qirtay inuu xiriir gogol dhaaf ah lalahaa haweeneydaasi, wuxuuna raalligelin ka bixiyay arrintaas. Shirkadda Nvidia ayaa bilowday baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo in xiriirkaasi halis geliyay xogta shirkadda ama amniga qaranka Mareykanka.
Nvidia ayaa sheegtay inaysan hadda hayn sabab ay ku rumeysato in sirta shirkadda ama amniga Mareykanka waxyeello soo gaartay.
Dhanka kale, Shiinaha ayaa si adag u beeniyay eedeymaha basaasnimada, isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn oo loogu talagalay in sumcadda dalka lagu dhaawaco.
Arrintan ayaa dhalisay walaac cusub oo ku saabsan tartanka tiknoolajiyadda Mareykanka iyo Shiinaha, maadaama Nvidia ay hormuud ka tahay soo saarista chips-ka awoodda siiya garaadka macmalka ah (AI).

