Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa kulan ay caawa ku yeesheen magaalada Muqdisho la sheegay inay is-afgarad ka gaareen arrimaha doorashooyinka, amniga qaranka iyo xoojinta wada shaqaynta labada dhinac.
Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, in laga fogaado siyaasadaynta amniga, in si wadajir ah loola dagaallamo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, iyo in la xoojiyo kalsoonida iyo wada-hadalka dowladda iyo mucaaradka.
Kulanka waxaa dowladda ku matalay Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Booliska Asad Cabdullaahi Cusmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute).
Dhanka mucaaradka waxaa ka qaybgalay Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdullaahi Carab iyo Maxamed Aadan Koofi.

