Trump oo Stephen Miller u Magacaabay Madaxa Aqalka Cad.

Jimco 6 Nov 2026 {HMC}  Trump ayaa dalacsiiyay Stephen Miller, isagoo u magacaabay jagada madaxa Aqalka Cad, waa jago u dhiganta awoodda ku xigta Trump ee shaqaalaha ka shaqeeya Aqalka Cad iyo xataa howlaha ka socda Aqalka Cad.Wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka afkaarta midigta fog ee tan iyo 2016 la socday Trump, iyadoo xataa markii uu soo saaray magacaabistiisa uu Trump, caddeeyay in Stephen Miller, uu ka mid yahay dadka uu kalsoonida ugu badan ku qabo.

Stephen Miller, wuxuu muddo xileedkii hore ahaa la-taliye sare , isla xilligaa wuxuu ahaa qofka qori jiray khudbadaha iyo hadallada uu jeediyo Trump, hadda ka hor inta aan loo magacaabi White House Chief of Staff, wuxuu ahaa ku-xigeenka jagadan , wuxuu si gaar ah u qaabilsanaa siyaasadda iyo amniga gudaha. Wuxuuna jagada siinaysa awoodda sare ee uu ku noqonayo wadnaha Aqalka Cad kala wareegaya 9 bishan November, haweenayda Susie Wiles.

Waxaan ku sheegaya wax aadan jaclaysanayn oo soo bandhigaya maskaxda Stephen Miller, waa qofka handisay siyaasadda adag ee Trump kula dhaqmo soogalootiga , keenay qorshada darbiga xadka Mexico iyo maskaxda ay ka timid masaafurinta soogalootiga, waxayna hadda si cad magacaabistiisa usoo bandhigaysa in Trump uu ku soconayo siyaasadda ka dhanka ah dadka sida sharci darrada ah ku gala Mareykanka ,waxayna iskudayi doonaan carada ay ka wajaheen doorashadii dhexe inay kula dhacaan miskaha sagaarada oo aan ula jeedo soogalootiga. Waxaa intaa dheer waxay ku fakarayaan inay raadiyaan habab sharciyada iyo baasaboorada loogala noqonayo dad badan oo hadda muwaadiniin Mareykan ah, iyagoo qaba aragti ah waxa Dimuqraadiga ku caawinaya guusha doorashada inay yihiin soogalootiga.

Magacaabista Miller, waxay bilow u tahay qorshe uu Trump doonayo inuu isbeddel uga sameeyo Aqalka Cad, isagoo ka xaaqaya cid kasta oo uu ku tuhmayo shaqada uu doonayo ee nacaybka badan inuusan qaban karin.

Ugu dambeyntii, waxa wanaagsan ee aan kaga tagi karo , waa in Dimuqraadiga ku guuleystay aqlabiyada labada Aqalka ee Baarlamaanka Mareykanka, shaqada u horreeysa inay ku darsadeen sidii Stephen Miller, bannaanka loogu tuuri lahaa, waxayna isla marka fadhiga koowaad ee congress-ka uu bilowdo ay doonayaan inay baaritaan ku sameeyaan ilaa ay hubiyaan in laga dhigay qof siyaasadda bannaanka ka jooga oo awooddii laga qaaday. Aan sugno waqtiga iyo waxa ka dhex dhaca Dimuqraadiga aqlabiyada la wareegay iyo Trump, haddii ay awooddi doonaan inay miyirka usoo celiyaan Trump iyo in kale.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Safiirka Soomaaliya ee Azerbaijan oo Qaabilay Agaasimaha Adeegga Halmeel.

Sabti 7 Nev 2026 {HMC} Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Baku...