Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay la-taliyiihii sharciga Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
Xilka qaadista ayaa imaanaysa ayadoo maxkamadda sare ay hortaal dacwad uu hudbiyey madaxweyne hore Shariif Sgeekh Axmed oo ku saabsan dastuurkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka mewl mariyey baarlamaanka.
Dacwadda ayaa hore loo middeeyey laakiin dowladda ayaa dalbatay in dib loogu dhigo muddada taasoo u muuqata in lala sugaayey guddoomiyaha cusub ee maanta la magacaabay.

