{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Amni ku Tagay Baraawe.

Talaado 3 Nov 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiil ka socotay AUSSOM, odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran.

Kulamada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga degmada Baraawe iyo deegaannada ku hareeraysan, qiimeynta xaaladda amni, xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.

Taliyaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha amniga, isagoo saraakiisha iyo ciidamada faray inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, una diyaar garoobaan ka hortagga iyo ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida degmada Baraawe iyo deegaannada ku xeeran.

Taliyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada ciidanka, maamulka iyo bulshada, isaga oo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay difaaca dalka, ilaalinta shacabka iyo sugidda amniga guud.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waaweyna Somaliya Iyo Caalmaka 03-11-2026.

Talaado 3 Nov 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV.