Ciidamada Macawisledya oo la wareegay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Ciidamada deegaanka ee loo yaqaano macawisleyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku gadaamay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne kadib markii laga war helay diyaarad ciidamo ka soo qaadeysa magaalada Muqdisho oo ku soo wajahan Baladweyne.

Sidoo kale ciidamadan ayaa gudaha u galay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyagoo gaadiidka dagaalka dhigtay qeybta ranweyga ee diyaaradaha ku ordan iyo qeybo kale oo ka mid ah garoonka.

Ciidamada AUSSOM ee ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale ku sugan gudaha garoonka, waxana gordhow gudaha garoonka laga maqlay rasaas goos goos ah oo ay is weydarsanayeen ciidamada deegaanka iyo kuwa AUSSOM iyadoo markii dambe ay kala dhax galeen saraakiisha labada ciidan.

Gudddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya garoonka aysan ka soo degi karin diyaarad shacab ama ciidan.

Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa kacsan maanta iyadoo si weyn isha loogu hayo ciidamadan dowladda federaalka ay dooneyso inay ka dejiso magaalada kuwaasoo la sheegay inay dalbadeen wafdiga uu hogaaminayo wasiirka batroolka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed oo xalay goobta uu degan yahay ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga ee soo wajiibay baaqii Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shirka 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Waxaa la soo gabagabeeyay kulankii 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada (DXDF), iyo Gobolka Banaadir, kaas oo shalay ka furmay...