Shirka 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Waxaa la soo gabagabeeyay kulankii 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada (DXDF), iyo Gobolka Banaadir, kaas oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Dowlad-Goboleedyada kala ah Hirshabeele, Galmudug, K.Galbeed, W. Bari iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga maaliyadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib-u-habeynta maaliyadda, ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

1. Soo bandhigidda natiijooyinka iyo warbixinta is-qiimeyntii afaraad ee DXDF, taas oo saldhig u ah go’aaminta barnaamijka qoondada kabka miisaaniyadda dalka.

2. Dhammaystirka qabyo-qoraalka heshiiska hirgelinta canshuurta iibka mideysan ee heer DXDF.

3. Ka doodista siyaasadda nidaaminta iyo hay’adeynta shaqada Guddiga Maaliyadda Dalka (Intergovernmental Fiscal Federalism Policy Framework and Governance Arrangement).

4. Soo jeedinta warbixin ku saabsan waxqabadka Guddiga Federaalka iyo Madasha Wasiirrada Maaliyadda muddadii tobankii sano ee la soo dhaafay.

5. Go’aan ka gaarista qoondada kabka miisaaniyadda Dowlad-Goboleedyada ee mashruuca RCRF ee sannadka 2027.

Dood dheer iyo falanqeyn, waxaa gabagabada la soo saaray warmurtiyeed lagu muujiyay heshiiska laga gaaray qodobada kor ku xusub ee laga doodayay 48 saac ee la soo dhaafay.

Warbixinteena dambe ayaan ku soo gudbindoonaa Warmurtiyeedkii lagu heshiiyay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wararka Ugu waaweeyn Soomaaliya iyo Caalamka 19-11-2026.

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO...