Golaha Wasiirrada Jubaland oo Ka Dooday Xaaladda Amniga iyo Laba Sharci oo Muhiim ah.

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, amniga, Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Dadka Naafada ah iyo Xeerka Saxaafadda Dowladda Jubaland.

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubaland ayaa Golaha Wasiirrada uga warbixisay xaaladda guud ee amniga deegaanada Jubaland, hawlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta, shabakadaha ku hawlan tahriibinta dhalinyarada iyo dadaallada lagu xakameynayo maandooriyaha.

Sidoo kale, Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ayaa Golaha faahfaahin dheeraad ah ka siisay Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Dadka Naafada ah, halka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay faahfaahin dheeraad ah golaha ka siisay Xeerka Saxaafadda Dowladda Jubaland, kuwaas oo labaduba horey Golaha loo horkeenay.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday labada sharci, waxaana la go’aamiyay in go’aan ka gaaristooda dib loo dhigo, si xubnaha Golaha ay fursad ugu helaan inay si faahfaahsan u akhriyaan una darsaan qodobadooda, ka hor inta aan la meelmarin.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wararka Ugu waaweeyn Soomaaliya iyo Caalamka 19-11-2026.

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO...