Doorashada Mareykanka: Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga oo ku loollamaya Aqlabiyadda Kongareeska.

Arbaco 4 Nov 2026 {HMC} Dadweynaha reer Maraykaan ay u dareeray goobaha cod bixinta si ay ugu codeeyaaan xildhibaannada ku metelaya labada gole ee Baarlamaanka dalkaasi uu ka kooban yahay.

Doorashadan oo si weyn isha loogu hayo waxa ku wada loollamaya xisbiga talada haya ee Jamhuuriga iyo xisbiga ka soo hor jeeda ee Dimuqraadiga.

Inkasta oo dadweynaha Maraykanka badankoodu sii codeeyeen oo codkooda sii dhiibteen ka hor dharaarta Doorashadan, haddana waxa xilligan oo Maraykanka ay maalin u tahay codaynaya dadka kale ee aan wakhtigii hore codkooda dhiiban.

Doorashadan, waxa loo arkaa in ay tahay mid saamayn ku yeelan doonta, waxana sadaalaha xilligan hore la sameeyey ay tibaaxayaan in guushu raaci doonto xisbiga Dimuqraadiga halka uu aqlbiyadda lumin doona xisbiga Jamhuuriga oo caynaanka aqlabiyadda hayey labadii sano ee la soo dhaafay, waxana taas sabab u ah hogaamintama madaxweyne Trump.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Aadan Madoobe: “AS ayaa nala soo xiriirtay, balse waan diidnay inaan dagaalka joojino.”

Arbaco 4 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xiriir la soo sameysay,...