Jimco 20 Nov 2026 {HMC}Â Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddaynaysa in, iyadoo la socota dhacdadii 19-kii Nofeembar, abaare 1:00 duhurnimo, ka dhacday agagaarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, ay xiriir la sameysay taliska Qaybta 4-aad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Markii ay xaaladdaasi dhacday, ciidamada howlgalka ayaa iska caabiyay weerarka, waxayna ka hortageen in garoonka diyaaradaha lala wareego.
Sidoo kale, talisku wuxuu xaqiijiyay in aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Jabuuti ee loo yaqaan Hiil Walaal, kuwaas oo ku sugnaa goobta.
Safaaraddu waxay sidoo kale carrabka ku adkaynaysaa in joogitaanka ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya uu qeyb ka yahay dadaalka iyo ballanqaadka Jamhuuriyadda Jabuuti ee taageeridda nabad ilaalinta, xoojinta amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool gobolka Hiiraan.
Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya.


