Markabka Turkiga ee Oruc Reis oo gaaray Dalka Pakistan si uu u bilaabo sahamin.

jimo 20 Nov 2026 {HMC} Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in iskaashiga tamarta ee Turkiga iyo Pakistan uu galay weji cusub, kaddib markii markabka Turkiga ee sahanka hirarka dhulka ee Oruc Reis uu gaaray Dekedda Karachi.

Isagoo Khamiistii ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah, Bayraktar ayaa sheegay in labada dal ay sannadkii hore magaalada Islamabad ku kala saxiixdeen dhowr heshiis oo tamarta ah, kuwaas oo gogol xaaray iskaashi dhex mara Shirkadda Batroolka Turkiga (TPAO) iyo shirkadaha tamarta qaranka Pakistan ee OGDCL, PPL iyo Mari Energies.

“Waxaan nahay laba ummadood oo taariikhdoodu ku dhisan tahay qiyam ay wadaagaan iyo walaaltinimo xididdo dheer leh. Maanta, waxaan isugu nimid inaan qaadno tallaabo taariikhi ah oo sii xoojin doonta saaxiibtinimadan, qaabeyn doontana mustaqbalka tamarta ee labada dal,” ayuu yiri.

Oruc Reis oo sameyn doona sahanka dhulka

Bayraktar ayaa sheegay in la dhammaystiray habraacyada ruqsad-siinta shan aag oo sahamin ah, kuwaas oo saddex ka mid ahi badda ku yaallaan, labana berriga, isla markaana ay bilaabmeen howlaha goobahaas.

Wuxuu sheegay in Oruc Reis uu Pakistan gaaray kaddib safar qaatay 19 maalmood, loona xilsaaray sahaminta kheyraadka laga heli karo dooxooyinka Indus iyo Makran.

Markabka iyo TPAO ayaa qiyaastii laba bilood gudahood xogta sahanka hirarka dhulka ee saddex-geesoodka ah ka ururin doona dhul-badeed dhan 670 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo ku yaalla aagga Indus-C.

“Annagoo ka duuleyna xogta aan ururinno, waxaan hiigsaneynaa inaan sannadka soo socda howlaha qodista ka bilowno goobaha loo asteeyay,” ayuu yiri Bayraktar.

Wuxuu intaas ku daray in howlaha sahamintu ay gacan ka geysan karaan horumarka iyo sugnaanta tamarta ee labada dal.

Turkiga oo wadaagi doona khibraddiisa sahaminta

Bayraktar ayaa sheegay in Turkigu uu doonayo inuu Pakistan ka gaaro guul la mid ah tii uu ka gaaray sahaminta shidaalka iyo gaaska gudaha dalkiisa.

Wuxuu dib u xusay helitaankii kayd weyn oo gaaska dabiiciga ah oo Badda Madow laga helay 2020, isagoo ku tilmaamay kaydkii gaaska badda ee ugu weynaa ee dunida laga helay sannadkaas.

Wuxuu sheegay in Turkigu hadda goobahaas ka soo saaro qiyaastii 10 milyan oo mitir kuyuub ah oo gaaska dabiiciga ah maalintii, taas oo daboolaysa baahida qiyaastii afar milyan oo qoys.

Sida uu wasiirku sheegay, wax-soo-saarka ayaa la filayaa inuu gaaro qiyaastii 40 milyan oo mitir kuyuub ah maalintii marka la gaaro 2028, taas oo gaas siin doonta ku dhowaad 16 milyan oo qoys.

“Khibradda iyo awoodaha injineernimo ee aan ka kasbannay howlahaan waxaan u adeegsaneynaa walaalaheenna reer Pakistan,” ayuu yiri.

Bayraktar ayaa sheegay in labada dal ay sidoo kale leeyihiin fursado waaweyn oo iskaashi oo dhinacyada tamarta, korontada iyo macdanta ah, isagoo intaas ku daray in heshiisyo cusub ay sii xoojin doonaan iskaashigooda.

Heshiisyo sahaminta macdanta ah oo la saxiixay

Dhanka kale, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga ayaa sheegtay in laba heshiis oo iskaashi ganacsi la kala saxiixday. Heshiisyadan ayaa dhex maray MTAIC, oo lagu aasaasay iskaashi u dhexeeya Agaasinka Guud ee Cilmi-baarista iyo Sahaminta Macdanta Turkiga (MTA) iyo ETI Maden, iyo shirkadaha Pakistan ee Mari Energies Minerals iyo Pakistan Mineral Development Corporation (PMDC).

Heshiisyada ayaa dhigaya in MTAIC ay sahamin macdan ka bilowdo saddex goobood oo Pakistan ku yaalla: laba laga sahaminayo naxaas iyo dahab, iyo mid laga sahaminayo antimony.

Is-afgarad gaar ah ayaa sidoo kale dhex maray MTA, MTAIC iyo Hay’adda Sahanka Dhulka ee Pakistan.

Heshiiska ayaa ujeeddadiisu tahay ballaarinta isdhaafsiga aqoonta farsamo iyo khibradaha cilmiga dhulka iyo sahaminta macdanta, iyo fududeynta horumarinta mashaariic wadajir ah.

XIGASHO:TRT World

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Xoojinta Xiriirkooda.

Jimco 20 Nov 2026 {HMC} Dawladda Ingiriiska ee uu hoggaamiyo Andy Burnham, ayaa isku diyaarinaysa inay Ingiriiska dib ugu celiso Midowga Yurub, iyadoo maanta...