Isniin 23 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Isniintii ku baaqay maalgelin “ku filan, la saadaalin karo oo joogto ah” oo loogu talagalay ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Labada madaxweyne ayaa baaqan ku sheegay war-murtiyeed wadajir ah oo la soo saaray dhammaadkii booqasho rasmi ah oo hal maalin ah oo Xasan Sheekh uu ku tagay Uganda.
Dowladda Uganda waa mid ka mid ah dalalka ugu ciidamada badan ee ku jira Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

