Operational Update: Baidoa communities bear the cost of renewed fighting as El Niño looms.

Muqdisho (ICRC) :Dagaaladii dhowaan ka dhacay gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhabo ee dhacda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ku barakacay in ka badan 18,000 oo qof¹. Bulshada oo  ku qasbanaaday in ay ka qaxaan guryahooda iyagoo raadinaya  goobo ammaan ah ayaa hada wajahaya culaysyo kale oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin roobab culus  iyo khatarta ka dhalan karta fatahadaha ay sababto El Nino.

Gobolada Baay iyo Bakool waxay ka mid yihiin kuwa wajahaya xaaladaha ugu daran gudaha Soomaaliya gaar ahaan marka laga hadlaayo cunto-yarida. Dagaalada socda oo sii kordhay tan iyo Bisha Maarso ayaa halis sii gelinaya xaaladda sii xumaanaysa ee bulshada weli ka soo kabaanaysa saamayntii abaaraha.

Barakaca baahsan, cunto-yari, iyo helista daryeelka caafimaadka oo xadidan  sababo la xiriira gargaarka la dhimay taas oo sahashay in xaruumaha caafimaadku xirmaan, roobabka la filayey ayaa culayso kale ku keeni kara qoysaska hore ula daala-dhacayey nolosha.

Gudigga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa ka barbar shaqaynaysa  Ururka Bisha Cas  eeSoomaaliyeed si ay taageero u gaarsiiyaan bulshooyinka ay  saamayntu . Ilaa iyo hada, 527 qof oo ah kuwa ku dhaawacmay dagaalada ayaa kooxaha mutadawiciinta caafimaadka ee Bisha Cas u daad-gureeyay isbitaalada ugu dhow.

Colaadda iyo amni-darada waa sababaha ugu weyn ee keenay barakaca gobolka Baay sanadkan. Intii u dhexaysey Luuliyo iyo Sibteembar, waxay dagaalada soo cusboonaaday guryahooda ka qixiyeen kumannaan, taas oo u dhiganta ku dhawaad nus dadka ay colaaduhu barakiciyeen guud ahaan Soomaaliya isla mudadaas. Baaxadda iyo heerka dagaalka ayaa gaar ahaan ahaa mid mid walaac leh, iyadoo magaalooyinka gobolka Baay ay la kulmeen rabshado aysan arkin sannadihii u dambeeyey.

‘Baydhabo waxay noqotay magaalo cidlo ah. Qoysaska ayaa barakacay ayagoo naftooda u baqaya. Wadooyinka ayaa cidlo ahaa ayadoo la arki karey guryo ay ku dhaceen hoobiyaal’ Mayow Maxamed  oo ah Madaxa Xafiiska ICRC ee Baydhabo, ayaa sidaas yiri kadib dagaalkii dhacay Bisha Sibteembar.

Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa wajahaya xaalad banii’aadinnimo oo sii xumaanaysa. Gobolka Baay keliya wuxuu marti-gelinayaa in ka badan nus malyuun barakacayaal ah², wax ku dhow 26,000 ka mid ah oo Baydhabo ku sugan waxay wajihi karaan cunto-yari daran ilaa iyo dhamaadka bisha Diseembar sida ay sheegtay IPC. Integrated Food Security and Phase Classification.

Laanqayrta Cas waxay dhinacyada ugu baaqaysaa in ay taxadar muujiyaan si loo ilaaliyo rayidka. Sidoo kale waxay ku boorinaysaa in loo ogolaado kuwa dhawaaca ah in isbitaalada la gaarsiiyo, in la dhawro shaqaalaha caafimaadka iyo gaadiidka  gurmadka deg-degga ah,, isla markaasna aan la weerarin guryaha iyo goobaha barakacayaashu deganyihiin.

Ilaa iyo hada, ICRC iyo Bisha Cas waxay baahiyaha banii’aadinnimo ee bulshada ugu jawaab celiyeen  sida soo socota:

  • Taageero caafimaad: in ka badan 500 oo dhawaac ah ayaa kooxaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ay gaarsiiyeen Isbitaalka Guud ee gobolka Baay.
  • Deeq Daawo ah: Daawooyinka la gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Baay ayaa suurtogeliyay daaweynta in ka badan 160 bukaan, halka daawooyin kale oo dheeraad ah oo la geeyey Isbitaalka Bayhaw ay caawiyeen daawaynta 65 bukaan.
  • Gargaarka deg-degga ah: wax ku dhow 150 qof ayaa kooxaha Bisha Cas ka helay gargaar deg-deg ah.
  • Booqashada xabsiyada: kooxaha ICRC ayaa booqday maxabiista Xabsiga Dhexe ee Baydhabo kuwaas oo u xiran sababo la xiriira dagaalka.
  • Kaalmo lacageed: Ku dhowaad 2,000 barakacayaal ku sugan Awdiinle  ayaa la siiyey kaalmo lacageed si looga caawiyo in ay qoysasku iibsadaan waxyaabaha aasaasiga ah sida cunto.
  • Dib u xiriirka Qoysaska: in kabadan 4,000 oo wicitaan ayaa loo sameeyey dadka ay colaaduhu barakiciyeen ee raadinaya ehelkooda.
  • Ixtiraam u maaraynta meydadka: 27 ka qayb-galayaal ah oo ka kala socday qaybaha caafimaadka oo ay ku
  • jiraan shaqaalaha Bisha Cas ayaa lagu tababaray maaraynta meydadka.
  • Tababarka Sharciga Caalamiga ah ee Aadami’nimada: 300 oo hub-sanayaal ah oo kala jooga Baydhabo iyo Xuddur ayaa lagu tababaray  mabaadi’da Sharciga Caalamiga ah ee Aadaminimada.
  • U diyaar-garowga fataahadaha: (Weli wey socotaa)
    • 10,500 oo kiishas carro ka buuxda ah ayaa loo qaybiyey xaruumaha Caafimaadka Bisha Cas ee Berdaale, Xuddur iyo Waajid.
    • Agabyo gargaar sida darbaalo, maryo-kaneeco iyo alaabaha nadaafadda ayaa la sii diyaariyey, halka qaar ka mid ah laga qaybiyey Xabsiga Dhexe ee Baydhabo.
    • 14 goobo biyood ayaa loo dhisay hab looga  ilaalinayo saamaynta biyaha fatadahaadda iyo roobabka culus ee la filayo.  si looga gaashanto saameynta roobabka culus ee la filaayo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay dhacdadii 19-kii Nofeembar, ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif

Jimco 20 Nov 2026 {HMC}  Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddaynaysa in, iyadoo la socota dhacdadii 19-kii Nofeembar, abaare 1:00 duhurnimo,...