Soomaaliya oo Ka Qayb-gashay Shirweynaha 31-aad ee OPCW ee Dalka Netherlands.

Isniin 23 Nov 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgashay Shirweynihii 31-aad ee Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), kaas oo ka dhacay magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Shirka waxaa Soomaaliya ku matalayay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub, Ambassador Khadiija Cosoble Ali, iyadoo Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka caalamka ee ka wada hadlay hirgelinta Heshiiska Caalamiga ah ee Mamnuucidda Hubka Kiimikada (CWC).

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista fulinta heshiiska, wax ka qabashada khataraha cusub ee soo baxaya iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo in dunidu noqoto meel ka caaggan hubka kiimikada.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan caalamiga ah wuxuu muujinayaa doorka ay Soomaaliya ku leedahay dadaallada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha nabadda, amniga iyo ilaalinta bani’aadantinimada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Xasan Sheekh iyo Museveni oo Baaq Wadajir ah ka Soo Saaray Maalgelinta Ciidamada AUSSOM,

Isniin 23 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Isniintii ku baaqay maalgelin "ku filan, la saadaalin...