Guddiyada Maaliyadda Labada Aqal ee BFS oo Ansixinta Miisaaniyadda 2027-ka u Gudbinaya Akhrinta Labaad.

Axad Nov 2026 {HMC}  Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee BFS ayaa maanta kulan wadajir ah ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubno kale oo la socday, Kulanka oo ay si wadajir ah u shir-guddoominayeen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, ayaa Wasiirka wax lagaga waydiiyay su’aalo ku saabsanaa odoroska miisaaniyadda 2027-ka.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday, ayaa si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii xubnaha guddiga ee la xiriiray odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2027-ka, Waxaana intaas kaddib, xubnaha Guddiyadu ay isku raaceen in hindise-sharciyeedka Miisaaniyadda 2027-ka loo gudbiyo kulanka wadajirka ah ee labada Gole, si loo marsiiyo akhrinta labaad.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Warbixin Caalami ah: Amniga Soomaaliya oo 74% Soo Hagaagay.

Axad Nov 2026 {HMC} Hay’adda Global Safety Report oo ah hay’ad cilmi-baaris oo amniga Caalamka xog-uruurin ku sameysa ayaa soo saartay warbixin amniga Soomaaliya...