Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Duqa Magaalada Beledweyne, Marwo Nadar Tabaax Maalin, ayaa kormeer rasmi ah ku tagtay dhismaha iyo fulinta mashaariic kala duwan oo horumarineed kuwaas oo hadda si habsami leh uga socda caasimadda gobolka Hiiraan.
Magaalada Beledweyne waxaa ka socda mashaariic waaweyn oo lagu dhisaayo waddooyinka laami ah oo casri ah, taasi oo wax weyn ka beddeli doonta isku-socodka dadka iyo gaadiidka iyo bilicda magaalada.
Kormeerka Duqa Magaalada uu ku sameeyay mashaariicdan ayaa waxaa ku ay ku soo beegmeeysaa xilli magaalada Beledweyne ay ka socdaan dadaallo lagu horumariraayo kaabayaasha dhaqaalaha.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u-kuurgalida habka ay u socdaan shaqooyinka iyo dardargelinta adeegyada bulshada.


