Axmed Madoobe oo u Safraayo Garowe, kadib Markii Madaxweyne Xasan Shiikh uu sameeyay,,,

Talaado 3 Nov 2026 {HMC} Puntland & Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan go’aanno wadajir ah ka soosaraan xaaladda-siyaasadeed ee dalka, iyada oo madaxda labada dhinac ka filayo in ay ku shiraan Garoowe oo Axmed Madoobe tegeyo.

Madaxweyne Deni oo xalay la hadlayey Golihiisa Wasiirrada ayaa u sheegey; in ay jirto walaac amni oo guud ahaan dalka ah ka dib bixitaanka ciidamada shisheeye, go’ista deeqaha caalamka oo dhaqaale yari keentey & heshiis la’aanta madaxda Soomaalida — dhinaca kale madax ka tirsan DFS oo labadii maalmood ee la soo dhaafay la shiray mucaaridka ayaa muujiyey walaaca, iyaga oo xusey in badbaadada dalku ku jirto heshiis dhexmara muxaafid & mucaarid.

Mucaaridka Muqdisho ayaa iyagu qaarkood soo dhoweeyey la-hadalka Dowladda Federaalka ah, balse Madaxda Puntland & jubbaland ayaa iyagu ka gows-adaygay sheegeyna in aysan jirin sharciyad ay kula hadlaan Villa-Somalia ayna geli karaan wada-hadal ay dammaanad leh oo keliya.

Madaxda-sare ee DFS, Mucaaridka Muqdisho & Siyaasiyiin ay ku jiraan Raysal waasarayaal hore CCC & Gaas ayaa dhammaantood leh kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaaladda dalka ee amni & siyaasadeed, iyada oo dadka arrimahan u dhuun-daloola ay tibaaxayaan in ka hor 2027 haddii aan Soomaalidu ka heshiin siyaasadda & doorashada ay jiri karaan kala-fogaansho & walaacyo aan xal lahayn.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedatay Danjiraha Israaiil ee Somaliland.

Talaado 3 Nov 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedatay Danjiraha Israaiil ee Somaliland, iyada oo sheegtey in ka qaadayso...