Jimco 6 Nov 2026 {HMC} Isbahaysiga xisbiyada Carabta ee Israa’iil ayaa qaaday tallaabo si weyn u beddeli karta loollanka siyaasadeed ee Israa’iil, ka dib markii ay waxyar ka hor ku dhawaaqeen inay taageerayaan jeneraalka howlgabka ah Gadi Eisenkot si uu u soo dhiso dawlad, taasoo meesha ka saaray Netanyahu.
Xisbiyada Carabta ayaa doorashada ka helay 19 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka Israa’iil. Taageeradooda oo ay weheliso tan xisbiga Ra’am ayaa jeneraalka Eisenkot oo muddo dheer ahaa taliyaha militariga Israa’iil siinaysa taageerada 67 xildhibaan, taas oo siddeed kursi ka badan aqlabiyadda 61-ka ah ee looga baahan yahay baarlamaanka.
Xaaladan waxay ka dhigan tahay in xisbiyada Carabta, oo Netanyahu uu hore uga digay inay burburin karaan Israa’iil haddii ay dawladda awood ku yeeshaan, ay hadda door muhiim ah ku leeyihiin dadaalka lagu dhisayo dawlad, meesha ka saarta maamulka Netanyahu.

