Jimco 6 Nov 2026 {HMC} Netanyahu xaaladdu waa ku cakiran tahay. Xisbiyadii Carabta ee ahaa midowga ka kooban saddexda garab, ayaa si rasmi ah u taageeray hoggaamiyaha mucaaradka, Gen. Eisenkot.
Netanyahu hadda 46 xildhibaan oo keliya ayuu haystaa, halka mucaaradku ka yihiin 67 xildhibaan. Toddobada xildhibaan ee hadhayna waxay ka tirsan yihiin xisbiga United Torah Judaism, oo aan labada dhinac midna taageerin.
Eisenkot ayaa hadda ugu cadcad in Madaxweyne Herzog u xilsaaro dhismaha xukuumadda Israa’iil, balse weli si dhab ah looma hubo inuu hanan karo aqlabiyad uu xukuumad ku dhiso.

