Khamiis 12 Nov 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Martigelisay Shirkii Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD iyo CEWARN
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa maanta soo xiray shir laba maalmood socday oo ay yeesheen Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD iyo CEWARN, kaas oo markii ugu horreysay lagu martigeliyey magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa ka qeybgalay dalalka xubnaha ka ah IGAD, Xoghaynta Urur-Goboleedka IGAD iyo khubaro ka socday CEWARN, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada digniinada hore, ka hortagga colaadaha iyo iskaashiga jawaab celinta amni ee heer goboleed

