Dagaal Ka Dhacay Leego oo Khasaare Ka Soo gaaray Kooxda Al shabaab.

Khamiis 12 Nov 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegatay in ciidamadeedu ay dagaal kula galeen argagixisada deegaanka Leego, isla markaana ay ku dileen saraakiil sare oo ka tirsan kooxda. Dowladu waxa ay baahisay laba sawir oo maydadka xubnaha la dilay.

Si kastaba, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo askari kale, sida ay Inside Somalia u xaqiijiyeen saraakiil amni iyo ilo xog-ogaal ah.

“Ciidanku waxay la kulmeen weerar jidgal ah. Gaari ayaa waxyeello naga soo gaartay, dab ayaana qabad siinay si uusan u galin gacanta kooxda. Taliyaha iyo hal askari ayaa naga dhintay,” ayuu Inside Somalia u sheegay sarkaal ka tirsanaa ciidamada howlgalka ka qaybgalay oo Danab ahaa gaaraan ururka saldhigeedu yahay Balidoogle.

Dhanka kale, argagixisada ayaa sheegatay inay dagaalka ku dishay 17 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, isla markaana ay gacanta ku dhigtay laba gaari, midkood qori saaran yahay, iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ay ciidamadu wateen. Kooxdu soo bandhigin cadaymo muujinaya sheegashadeeda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

DFS oo Markii Ugu Horreysay Martigelisay Shirkii Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD iyo CEWARN

Khamiis 12 Nov 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Martigelisay Shirkii Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD iyo CEWARN Xoghayaha Joogtada ah...