“Mararka Qaar Cadowgaaga Ayaad Saaxiib La Noqotaa”

Arbaco 11 Nov 2026 {HMC} Axmed bin Xuseen Al-Mutanabbi, oo ahaa abwaan Carbeed noolaa qarnigii 10-aad, kana mid ah hal-abuurayaashii ugu caansanaa suugaanta Carabta, ayaa tuduc gabay ah ku cabbiray xaaladda uu qofku mararka qaar ku khasbanaado inuu la macaamilo cadowgiisa, inkastoo uusan ku kalsoonayn ama uusan jeclayn.

Wuxuu yiri: “Dhibaatada adduunka waxaa ka mid ah in qofka sharafta leh uu mararka qaar ku khasbanaado inuu saaxiib la noqdo cadowgiisa.”

Hadalkaas wuxuu si kooban u muujinayaa xaqiiqada siyaasadda, oo ah in aanay mar walba suurtagal ahayn in qofku la macaamilo oo keliya cidda uu saaxiibka la yahay ama uu ku kalsoon yahay.

Is-afgarad kasta saaxiibtinimo ma aha, heshiis kastana isbahaysi ma aha. Mararka qaar duruufaha iyo danaha siyaasadeed ayaa kugu qasbi kara inaad la shaqeyso dad aadan isku aragti ahayn ama aadan ku kalsoonayn. Hase yeeshee, wada-shaqeyntaasi macnaheedu ma aha in la illoobayo taariikhda, kala duwanaanshaha iyo danaha dhinacyada lala macaamilayo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wada-hadallo La Yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain.

Arbaco 11 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-hadallo la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Ed miliband, oo ay kaga hadleen...