Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa, kaddib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Boqor Buurmadow ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Liibaan Axmed Xasan uu horumar gaarsiin doono Galmudug, isla markaana uu door muuqda ka qaadan doono isu-soo-dhoweynta bulshada iyo xoojinta nabadda
Ugu dambayn, Boqor Cismaan Buurmadow ayaa hambalyo u diray Hoggaanka Guud ee dhawaan la doortay iyo Guud ahaan shacabka reer Galmudug.

