Isniin 26 Oct 2026 {HMC} Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis & qof ay xigto yihiin.
Axmed Xasan Maxamuud oo ay saaxiibo ahaayeen ayuu Ka tarufeeyay Mooto Nuuca Fekonta ah, isaggoo u sheegaya inuu u dhiibo Mootada, meel dhowna uu kasoo noqonayo, Balse Dib looma arkin, waana Sagaalkii Bisha Todobaad ee sanadkaan 2026.
Sidoo kale Xuseen Cali Maxamed oo isna ehel xigto ah ay yihiin ayuu kala Tagay Taleefan Samsung A12 ah, Waxaana uu ku maray inuu Qof ka kala hadlayo, uuna u soo celinayo.
Waxaa kale oo galkiisa eedda ku jirta inuu lunsaday Qorigii uu ku qornaa, kaasi oo loogu dhiibay inuu ugu adeego dadkiisa.
Baaris Dheer kadib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Sideed iyo labaatanka Bishii Sagaalaad ee sanadkaan 2026.
Dhageysi kadib, Wadatashi Dheer oo ay yeesheen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaana ugu dambeyn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf shan sano oo xabsi ciidan ah, Bixinta agabkii uu turufeeyey & sidoo kale Qorigii uu ka lunsaday Ciidanka xoogga dalka.
Sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Muxumed Maxamed Cumar (Samajecel) oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida.

