Jimco 23 Oct 2026 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa si adag ugu hor yimid doorashada ka socota Hirshabelle, isagoo sheegay in doorashada ka dhacaysa Jowhar ay tahay mid ku kooban MW Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.
“Waxaan caddaynaynaa in waxa doorashada lagu tilmaamay ee Jowhar la sheegay in lagu qabanayo ay yihiin wax ku kooban Xassan Sheekh iyo kooxdiisa, baalmarsan dhammaan shuruucda iyo xeerarka dalka oo ay u horreeyaan dastuurrada DFS iyo kan Hirshabelle, aan haysan heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho, isla markaana kala qaybinaya ummadda markeedii horaba waxa u dhisnaa ay nuglaayeen.”
Sidoo kale qoraalkiisa ayaa waxaa intaasi ku daray “Natiijo walba oo kasoo baxda been-abuurkaas maaha mid qusaysa Hiiraan, ciddii isku dayda inay sidaa kula shaqaysana iyadaa ka masuul noqon doonta wixii shaqadeedaa ka dhasha”


