Itoobiya oo Martigelisay Shir Amni Badda oo ay ka Maqantahay Soomaaliya,

Isniin 26 Oct 2026 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku martigelinaysa madal goboleed soconaysa muddo afar maalmood ah, taas oo ay ka qaybgalayaan taliyeyaal ciidan-badeed oo ka kala socda Yemen, Cumaan, Jabuuti, Somaliland iyo Puntland, iyadoo dowladda Soomaaliya aan lasoo hadal qaadin, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF).

Kulanka ugu horreeya ee madashan ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Ciidanka Badda Itoobiya, iyadoo taageero laga helayo Midowga Yurub (EU). Ujeeddada kulanka ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga dhinaca amniga badda iyo wada-shaqeynta ciidamada badda ee gobolka.

Taliyaha Ciidanka Badda Itoobiya, ku-xigeenka Admiral Kindu Gezu, ayaa ka qaybgalay furitaanka kulanka, isaga oo khudbad ka jeediyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee iskaashiga badeed ee Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo galbeedka Badweynta Hindiya.

Kindu Gezu ayaa sheegay in marin-biyoodka isku xira Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo galbeedka Badweynta Hindiya uu ka mid yahay marinnada ugu mashquulka badan uguna muhiimsan caalamka. Waxa uu xusay in caqabadaha amni ee ka jira gobolka ay u baahan yihiin xiriir joogto ah oo ka dhexeeya dalalka, isku-duwidda taliska ciidamada iyo hawlgallo wadajir ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in taageerada Midowga Yurub iyo ka qaybgalka taliyeyaasha ciidamada badda ee gobolka ay muujinayaan muhiimadda uu Ciidanka Badda Itoobiya ku leeyahay arrimaha amniga badda ee gobolka, xiisadaan ayaa kusoo aadaysa xilli dowladaha Soomaaliya, Erateriya iyo Masar khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Hawlgalkii UNTMIS ee Soomaaliya oo Si rasmi loo xiray, kadib markii Munaasabad Sagootin ah loo sameeyay.

Talaado 27 Oct 2026 {HMC} 31-ka Oktoobar, Hawlgalka Kaalmada Kala-guurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) wuxuu dhammaystiri doonaa muddada kala-guurkiisa labada sanno wuxuuna...