Sacuudiga oo Ballaarinaya Warshadaha Soo Saara Gantaallada Riddada Dheer.

Jimco 23 Oct 2026 {HMC} Dowladda Sacuudiga ayaa iskudayaya inuu noqdo dalka xiga Iiraan ee Bariga dhexe oo leh warshado soo saara gantaallada riddada dheer, iyadoo warbixin ay maanta baahisay Reuters, lagu sheegay inuu Sacuudigu ballaarinayo warshado uu ka sameeyay dhul saxaro iyo buuralay ah oo ku dhow Al-Duwadimi, oo qiyaastii 200 km galbeed kaga beegan caasimadda Riyadh.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay Sacuudiga, inuu soo saari karo gantaallo madaxyo culus oo wax burburiya riddana dheer bilowga sannadka 2027 ama ka hor dhammaadka sannadkan, taasoo Sacuudiga siinaysa awood wax soosaar gudaha ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Weerar ka Dhacay Daanta Galbeed oo Lagu Dilay 2 Askari oo Israa’iiliyiin ah iyo Labadii Falastiiniyiinta ee Weerarka Geystay.

Jimco 23 Oct 2026 {HMC} Labo nin oo Falastiiniyiin ah ayaa maanta weerarray barkontorool oo ciidanka Israa’iil ay dhigteen magaalada Al Khaliil ee Israa’iil...