Talaado 27 Oct 2026 {HMC} 31-ka Oktoobar, Hawlgalka Kaalmada Kala-guurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) wuxuu dhammaystiri doonaa muddada kala-guurkiisa labada sanno wuxuuna soo afjari doonaa hawgalladiisa, si waafaqsan qaraarrada Golaha Amaanka ee 2753 (2024) iyo 2809 (2025) iyadoo la raacayo codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Marxaladdan taariikhiga ah waxay soo gabagabeynaysaa in ka badan soddon sanno oo hawlgallo Qaramada Midoobay ah oo lagu taageerayo nabadaynta, dowlad-dhiska, maamulka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.
Si waafaqsan khariidadda kala-guurka ee ay si wadajir ah ugu heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, hawlaha loo xilsaaray UNTMIS waxaa loo wareejiyay hay’adaha Soomaaliya iyo hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay, taasoo ka tarjumaysa sida Soomaaliya uga go’an tahay inay si weyn u hanato lahaanshaha qaran ee ajendaheeda nabadaynta iyo dawlad-dhiska.
Xoghayaha Guud wuxuu bogaadinayaa horumarka la gaaray tobanaankii sanno ee la soo dhaafay ee ku aaddan dhisidda nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Wuxuu bogaadinayaa go’aan adayga iyo adkeysiga dadka Soomaaliyeed inkastoo ay jiraan caqabado badan oo ay wajahayaan, wuxuuna qirayaa dadaallada baaxadda leh ee laga sameeyay safarkii dalku soo galay laga soo billaabo colaadihii ilaa soo kabashada.
Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyadoo u marinaysa hay’adaheeda, sanduuqyadeeda iyo barnaamijyadeeda dalka jooga, oo la kaashanaya mas’uuliyiinta hay’adaha Soomaaliya, Midowga Afrika iyo la hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara.
Isagoo aqoonsan caqabadaha siyaasadeed, amni, bani’aadamnimo iyo horumarineed ee baaxadda leh ee weli taagan, Xoghayaha Guud wuxuu ku baaqayaa taageero caalami ah oo joogto ah si loo xoojiyo horumarka, hor loogu wado wadahadalka siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta loo dhan yahay, loo xoojiyo hay’adaha, kor loogu qaado loona ilaaliyo xuquuqda aadanaha.
Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda ay leedahay taageerada joogtada ah si wax looga qabto khatarta ka imanaysa Al-Shabaab loona suurtogeliyo kala-guur amni oo tartiib tartiib ah oo waara.
Xoghayaha Guud wuxuu si qoto dheer ugu mahadcelinayaa Wakiilladiisa Gaarka ahaa ee isxigxigay, dhammaan shaqaalaha qaran iyo kuwa caalamiga ah ee UNTMIS iyo hawlgalladeedii ka horreeyay, iyo dhammaan kuwii ka soo qaybqaatay shaqada isagoo aqoonsanaya u heellanaantooda ku aaddan horumarinta nabadda iyo dadaallada dowlad-dhiska, iyagoo inta badan ku soo shaqeeyay duruufo aad u adag.
Xoghayaha Guud wuxuu sidoo kale si gaar ah u xusayaa una qadarinayaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ee naftooda ku waayay iyagoo u adeegaya nabadda Soomaaliya.
Xoghayaha Guud wuxuu mar kale xaqiijinayaa ballanqaadka joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay u hayso dadka Soomaaliyeed, iyo taageerada dadaallada ay Soomaaliya hoggaamiso, si loo dhiso mustaqbal nabdoon, xasilloon, oo barwaaqo ah.

