Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Markii ugu horeysay tan iyo markii ay qaybta baaritaanka ee Waaxda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security) ay gudaha u galeen guriga Xildhibaanad Ilhan Omar (oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, kana soo jeedda gobolka Minnesota) ayaa ka hadashay dhacdadaas.
Waxay shaaca ka qaadday inay heshay hanjabaado dil ah, iyadoo walaac ka muujisay ammaankeeda. Waxayna ku tilmaamtay baaritaankaas mid ah olole “cabsi-gelin siyaasadeed” ah, oo ay soo abaabushay maamulka Madaxweyne Donald Trump, ujeeddaduna tahay in lagu cabsigeliyo codbixiyeyaasha.
Ilhan ayaa sharaxday faahfaahinta dhacdadaas oo dhacday 12-kii Oktoobar, iyadoo sheegtay in saacadda markay ahayd 6:00-kii subaxnimo ay hurdada ka toostay ka dib markii si xoog leh loo garaacay albaabada hore iyo kan dambe ee gurigeeda, waxaana garaacayay ciidamo ka socday Waaxda Amniga Gudaha.
Xildhibaanaddu waxay ku qiyaastay in goobta ay joogeen inta u dhaxaysa 15 ilaa 25 ciidan, kuwaas oo guriga qol-qol u baarayay muddo afar ilaa shan saacadood ah.

