Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, ayaa maanta booqatay magaalada Beledweyne.
Intii ay booqashada ku jirtay, waxay kormeer ku sameysay howlaha saadka, waxayna la kulantay shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo ciidamada AUSSOM ee ka howlgala magaalada.
Sadozai waxay sidoo kale kulan la qaadatay Taliyaha Qaybta 4-aad ee AUSSOM oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka Jabuuti, iyadoo uga mahadcelisay iskaashiga, isla markaana sheegtay in UNSOS ay sii wadi doonto taageerada saadka iyo adeegyada muhiimka ah ee ciidamada.
Waxay sidoo kale booqatay xerada Qaramada Midoobay ee Beledweyne, halkaas oo ay ku bogaadisay shaqaalaha dadaalka ay ku bixiyaan fulinta howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.


